Jawaari”Axsaabtu waa inay Degmooyinka tagaan

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Sheegay in Hirgalinta Nidaamka Axsaabta Siyaasadeed ay tahay tilaabo Wanaaagsan oo loo qaaday in toosinta Siyaasadda Soomaaliya.waxuu Sheegay in arinta  ay ka shaqeeyeen  Baarlamaanka 10 ee hadda iyo Wakiiladii ka ka horeeyay ee 9ad asagoo Sheegay in shaqada ugu badan la qabtay 2013 samaynta Nidaamka Axsaabta Siyaasadda ayuu Sheegay inay Xukuumadihii Dowladdii Xassan Shiikh Sadexdii Ray’iisul Wasaare ee kala danbaysay ay ka suuragali waysay dhamaystirka Nidaamka Axsaabta Siyaasadda kadibna ay Golaha Shacabku curiyeen Aasaaska Nidaamka ayagoo cuskanaya Dastuurka KMG ah ayna ka tixraaceen Nimaamkii Axsaabtii 1960 ee dalku lahaa.

Prof Jawaari ayaa Sheegay in Axsaabtaani kaga duwan yihiin kuwii hore in Axsaabtaasi ahaayeen kuwa dhasha  Xiliga Doorashada loo dhowyahay kadib iska  kala taga balse Axsaabtaani ay yihiin kuwo Xili kasta Shaqayndoona ayagoo noqo kara Mucaarad iyo Muxaafid.

Axsaabta Siyaasadda ayuu Sheegay in looga baahan inay Sameeyaan Garbo kala duwan oo ka kooban Waxbarasho  Dhalinyaro.Haween iyo Odayaal si dadka loo wacyi galiyo.Jawaari ayaa sidoo kale Axsaabta Dalka ka curatay kula dardaarmay inay tagaan Degmooyinka Dalka muhiimduna aysan ahayn in loo tartamo xildhibaan ku biiris Xisbi ee laga Sheqeeyo hagaajinta Maamulada Degmooyinka si cod looga helo waxuuna tusaale usoo  qaatay Doorashadii August 1963  ee Dagmooyinku u Codeeyeen Axsaabta.

Ugu danbayntii Gudoomiye Jawaari ayaa Sheegay in Nidaamka 4.5 lagu soo mooday  waqtiyo adag balse Axsaabta Siyaasadda ay tahay Rajada wanaagsan oo keeni karta in kaga gudbo 4.5 ama Nidaamka Qabiiliga ah iyo in Madal wax go’aamiso waxuuna ka digay in lagu dhaganaado Qabyaalad oo ah waxa la haray dalkeena iyo Mucaaradnimo an dhamaad lahayn asagoo Sheegay kala aragti Duwanaashaha  Siyaasadda oo laysku mucaarado ayasan Ceeb ahayn.