Faafaahin: Qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa faafaahino dheeraad ah laga helayaa Laba Qarax iyo Weerar toos ah oo maanta lagu qaaday  kontorool ay Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku leeyihiin Isgoyska Ceel Gaabta.

Weerarka ayaa ku bilowday rasaas ragga hubaysan ay ku fureen ciidanka, iyaga oo dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan.

Ka dib markii dagaal Culus socday Muddo dhowr daqiiqo ah  waxaa qarxay gaari ay ka soo dageen ragga hubaysan, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw MCH-ka ku yaallo meel aan sidaasi kaga fogeyn Isgoyska Umbulutooriyadda.

Dableyda hubaysan ayaa galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda, halkaasi oo ciidanka si adag ay ugula dagaalameen.

Xilli uu socday dagaal culus ayaa sidoo kale Markale Qarax Labaad waxaa uu ka dhacay Kontaroolka Ceel-gaabta waxaana loo adeegsaday Gaari laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay toogtaan raggii Weerarka soo qaaday ee galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda.

Ragga ay toogteen Ciidamada Ammaanka ayaa ahaa Saddex nin oo dhalinyaro ah , kuwaasoo xirnaa dhar cusub oo ay isticmaalaan ciidanka Xoogga dalka qeybta  ku xareysan Xerada General Gordon, ciidankaas oo horey imaaraatku u tababaray.

Khasaaraha weerarka ayaa lagu sheegay 2 qof shacab ah, 3 Askari iyo 3 Alshabaab weerarka soo qaaday, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo intaa ka badan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas , waxaana ay sheegeen in ay howlgallo ka waddaan Hareeraha Madaxtooyadda.

Wali kama hadlin Hay’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya , waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.