Qarax ismiidaamin ah ayaa saacad ka hor ka dhacay wadada hormarta Tiyaatarka Qaranka iyo guriga Hooyooyinkan, Qaraxaan ayaa burburiyey Maqaayada THE VILLAGE oo ku dhagan guriga Hooyooyinka.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay joojiyeen gaariga qarxay oo xowli ku socday, waxaana warar aan haleyno qeexayaan in bartilmaameedka Qaraxan uu ahaa Taliyaha Booliska Qeybta Waliyow Cadde Maxamed Daahir.
Taliyaha ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay ninkii isqarxiyey kaliya, halka dhaawucu gaarayo ilaa 10 ruux oo ay ku jiraan laba wariye C/qaadir Sheekh Muxuyadiin iyo Daahir Ciise oo ka mid ah Shaqaalaha idaacada kulmiye magaalada Muqdisho.
Wixii kusoo kordha wararka Qaraxaan kala soco www.ceelhuur.com