Faafaahin: Diyaarado duqeeyey koofurta Mudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa faafaahin dheeraad ah kasoo baxayaan diyaarado duqeeyey deegaano hoostaga deegaanka Caad ee degmada Xarardheere koofurta gobolka Mudug.

Diyaaradaha ayaa duqeeyey laba saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen heeraraha Caad, waxaa shalay galab 5:00 PM diyaarad dhowr gantaal la beegsatay xero ciidan deegaanka Maamiye, xiliga ay duqeyntaas dhaceysay ayaa la sheegay in saraakiil ka tirsan Alshabaab ay u qudbeynayeen ciidan ku sugan halkaas.

Duqeynta ayaa sii socotay ilaa xalay 8:00PM fiidnimo, waxaana sidoo kale duqeyntu beegsatay gaadiid ku sugnaa xeradaas. Dadka reer miyiga ayaa arkayey holac iyo uuro ka baxaysay xerada la duqeeyey.

Xalay abaara 1:00AM saqdhexe ayaa markale diyaarado duqeeyeen Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow magaalada Caad oo lagu magacaabo Kuluc, waxaana duqeyntaan socotay ilaa saaka aroortii.

Ma cadda khasaaraha Alshabaab iyo dadka rayidka kasoo gaaray duqeymahaas, dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeeyey baraha ciidan ee Alshabaab deegaankaas ku leeyihiin ay wali hawada ku jiraan ayna suurtagal tahay in ay duqeymo kale geystaan.

Bishii hore October ayey aheyd markii diyaarado duqeeyeen kolonyo gaadiid waday ciidanka Alshabaab, duqeyntaas oo Alshabaab kasoo gaaray khasaaro badan, waxaana la qiyaasayaa in weerarkaas ay Alshabaab uga dhinteen in ka badan 60 askari.

Alshabaab ayaa gabaad ka dhigtay dhulka howdka ah ee ku hareeraysan degmada Xarardheere, iyagoo kasoo cararay duqeymaha ka socda koofurta Soomaaliya, balse waxaa muuqata in hadda looga daba yimid goobihii ay gabaadka usoo doonteen.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiiyey in sababta keentay kororka duqeymaha diyaaraha gobolka Mudug ay tahay in Maraykanku uu doonayo inuu sii nadiifiyo gobolka Mudug, ka hor intuusan furan saldhig ciidan oo uu ka dhisan rabo degmada Hobyo.

Sidoo kale ciidamo itoobiyaan ah ayaa la qorsheynayaa in ay dhawaan soo gaaraan deegaanada Galmudug, ciidamadaas ayaa dagi doona magaalooyinka Hobyo, Cadaado, Dusmareeb iyo Guriceel. Ciidankan ayaa ku imaanaya dalabka Dowladda Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha wararkaan kala soco ceelhuur.com