Faafaahin dagaal ka dhacay Afmadow

Wararka Maanta

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dagaal Ciidanka Jubbaland iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa waxa ay weerar culus ku qaadeen fariisimo Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay laba saacadood.

Ciidanka Jubbaland ayaa iska difaacay raggii weerarka ku soo qaaday, waxaana dagaalka dhexmaray labada dhinac uu geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labadan garab.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiic ay isku adeegsadeen dhinacyadii dagaalamay, kuwaasi oo ku dhacay meelo banaanka ka ah degmada Afmadow.

Saraakiisha Ciidanka ammaanka Mamaulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay ku raadjoogaan halkii ay ka yimaadeen raggii weerarka soo qaaday ee Shabaabka ka tirsanaa.

Ururka Al-shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland, ayna ku dileen Ciidan ay ku jiraan kuwo Kenyan ah.

Xigasho: Risaala