Faa faahin Weerarkii Al-shabaab ee Deegaanka Kala-bayr

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Kalabeyr oo 20km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayay Al-Shabaab ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Kalabeyr oo ah deegaan istiraatiiji ah.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Shabaabka ay muddo kooban la wareegeen deegaanka.

Wararka aanu ka heleyno Beledweyn ayaa sheegaya in dagaalka saaka lagu dilay askar ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugnaa fariisinka ay ku lahaayeen deegaanka kalabeyr.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in iska horimaad halkaa ka dhacay lagu dilay Afar Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka oo sida uu hadalka u dhigay iska caabiyay weerarka lagu soo qaaday.

Afar Askari ayaa weerarka ku dhintay kaddibna dib ayeey uga baxeen deegaanka, waxaana hadda ku maqan ciidamo ka tirsan dowladda’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska oo la hadlay warbaahinta. hasa yeeshee ma jiraan ilo madaxbanaan oo si dhaba u xaqiijin kara qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii saaka.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin gobolada dalka.

Bishan gudaheed Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ciidan oo ku yaalay deegaanada Buulo Gaduud, Beledxaawo, Ceelwaaq, halkaasoo askar ka tirsan ciidanka dowladda ku dileen, kuna furteen hub iyo saanad ciidan.

 

Ali Abdiwahaab Aden@Ceelhuur.com