Faa faahin: Nabadoon Caan ah oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

Wararka Maanta

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgallo ka wadda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana howlgalkaan lagu baadigoobaya Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Nabaddoon si weyn looga yaqaanay gobolka Mudug.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Gaalkacyo qeybta Puntland.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda weyn looga yaqaano gobolka Mudug.

Koox hubeysan ayaa toogatay Nabadoonka, ka dibna goobta ka baxsaday sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.