Everton Oo Baadi Goobaysa Seydou Doumbia

Ciyaaraha

Weeraryahanka kooxda Sporting Lisbon Seydou Doumbia ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Everton.

Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa qaab ciyaareed cajiib ah lasoo baxay tan iyo markii uu ku biiray kooxda reer Portugal isagoo kasoo dhaqaaqay Roma xagaagan, waxa uu goolal ka dhaliyay Steaua Bucharest iyo Olympiacos ee Champions League.

Dhanka kale, Ronald Koeman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu sii xoojiyo weerarka ka dib markii uu ka tagay Romelu Lukaku oo ku biiray Manchester United.

Sida laga soo xigtay The Sun, tababaraha reer Holland ayaa rajeynaya inuu dalab u diro Doumbia sanadka cusub, waxaana uu diyaar u yahay inuu 29 jirkaan ku burburiyo qandaraaskiisa aduun dhan 55 milyan oo ginni.

 

Everton ayaa haatan ku jirta seddexda qeybood ee ugu hooseeya Premier League, iyadoo keliya laba gool dhalisay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

W/Q Hafsa haji