Eng Abdulqadir Gentleman oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Dalka Norway

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa shir ay isugu yimaadeen ku doortay hoggaanka Jaaliyadda Galmudug ee dalka Norway Qaarada Yurub. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore Maamulkii  Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey iyo waxgarad badan oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Norway.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno Matalayey Jaaliyadaha Galmudug ee qaaradda Yurub. Kulan ayaa waxaa Gudomiyaha guud ee jaaliyada midnimada iyo hormarinta galmudug ee dalka Norway loogu doortay  Eng Abdulqadir Gentleman.

Sidii loo dhisay Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa wasaaradda Jaaliyadaha iyo qurbajoogtu iska kaashanayeen sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku mideysan yihiin jaaliyada Galmudug ee dibadda si ay isaga kaashadaan ka qeyb qaadasha Mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo deegaanada Galmudug.