AlShabaab oo xalay weerar ka geystay Muqdisho

Wararka Maanta

Ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali-Goley oo aaggaasi ay barkontorool ku leeyihiin ciidanka ka tirsan kuwa Nabad sugidda Qaranka.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay xubno ka tirsan Shabaab in xalay ay weerar ku soo qaadeen qeyb ka mid ah degmada, balse ay iska difaaceen ciidanka, dibna ay u laabteen.

Wuxuu sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka iyo dadka shacabka ah ee degan degmada, kuwaasi oo inta ay rasaasta socotay dareemay cabsi.

“Wax weyn oo dhib ah dhacay ma jiraan, meel xaafada ka mid ah ayaa xabado nooga soo dhaceen, annagana waan ka jawaabnay, ma jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidanka iyo shacabka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Kaxda.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada dhulka hawdka ah ee Shabaab ay xalay weerarka ka soo qaadeen, waxayna ciidanka ku daba jiraan raggii falkaasi ka dambeeyay.

Kaxda, ayaa waxaan ku sugnayn ciidan badan sida Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, waxaadna arkaysaa in askartu ku badan yihiin dhinaca wadada aadda Ceelasha Biyaha iyo midda kale ee Dhanaane ku beegan.

Xigasho: Radio Risaala