Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Real Madrid ka hor inta uusan udhaqaaqin garoonka Bernabeu.
Madrid ayaa la fahamsan yahay inay Hazard ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad ee badali kara booska Cristiano Ronaldo xagaagan ka dib markii Kylian Mbappe ay meesha ka baxday suurtogalnimada inuu ka tago Paris Saint-Germain.
Hazard ayaa si maldahan u sheegay inay u furan tahay inuu ku biiro Madrid waayihiisa ciyaareed, Matteo Pedrosi oo ka tirsan Calciomercato ayaa sheegeysa inuu haatan heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda heysata Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, labada kooxood ayaa weli ku heshiineynin qiimaha 27 sanno jirkaan, iyadoo Chelsea ay diiday dalabkii ugu horeeyay ee Madrid oo ah € 120m (£ 107m).
Madrid ayaa la rajeynayaa inay dib ugu soo laabato dalabkeeda maanta, inkastoo wararka qaar ay soo jeediyeen inay Chelsea diidi doonto inay ku iibiso wax ka yar € 200m (£ 178.3m), taasoo Hazard ka dhigaysa ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan adduunka.
Hazard saaxiibkiisa ay koox wadaaga yihiin ee Thibaut Courtois ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Madrid, iyadoo labada kooxood ay ku heshiiyeen inay heshiis 31 milyan oo ginni ah kula soo wareegaan ciyaaryahanka reer Belgium.