Manchester United Oo Saxiixa Ivan Perisic U Isticmaalaysa Matteo Darmian

Ciyaaraha

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay Matteo Darmian u isticmaasho dalabka  ay u dirayso xidiga Inter Milan ee Ivan Perisic.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara  sannadkii hore, tababare Jose Mourinho ayaana la fahamsan yahay inuu dib u soo nooleeyay xiisaha uu u qabo Perisic kadib qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee Koobka Adduunka ee xagaagan, halkaasoo uu ka caawiyey xulkiisa Croatia inay finalka gaarto.

29 jirkaan ayaa qandaraas cusub u saxiixay San Siro ka dib markii uu burburay  rajadii uu ugu biiri lahaa Old Trafford xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu dhawaan sheegay in diirada uu saaran tahay Inter.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa weli la fahamsan yahay inay miisaameyso dalab ay ka gidbinayso, Tuttosport ayaana sheegtay inay qorsheynayaan inay Darmian u soo bandhigaan qeyb ka mid ah heshiiska ciyaaryahankaas kooxda Inter Milan.

Darmian ayaa la filayaa inuu ka tago Old Trafford xagaagaan, isagoo keliya sideed kulan oo Premier League ah u ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkii hore, daafaca dambeedka midig ayaana la fahamsan yahay inuu doorbidayo inuu dib ugu laabto dalkiisii hooyo.

Perisic ayaa dhaliyay 11 gool, waxaana uu 9 gool u dhaliyay Inter xilli ciyaareedkii hore