Sawirro: Tiiceey oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimadda dalka. Tiiceey ayaa ka soo safray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Wasiir Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor), Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Sadiiq Warfaa, Maxamed Axmed Diiriye, C/raxmaan Shaaticadde, iyo masuuliyiin farabadan.

Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicey oo warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada ee garoonka Aadan Cadde  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado dalkiisa hooyo, isagoo intaa ku daray :” Maanta ayaan hubaa in aad xor ah mar haddii aan joogo dalkeygii hooyo”.

Sidoo kale Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha Tiiceey Magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay halyey waxbadan hurey in Bulshada Gobolada Dhexe helaan maamul loo dhan yahay.