Shirka Golayaasha sharci dejinta oo ka furmaya Garoowe

Wararka Maanta

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu ka furmo Shirka Shanaad ee Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shalay waxaa Garoowe gaaray gudoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamulada, Jubbaland , Koonfur Galbeed iyo hHr-Shabeelle, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug laga reebay shirkaas.

 

Shirka Golayaasha sharci dejinta ayaa waxaa uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, in kastoo aan la soo bandhigin ajendaha shirkaas ayaa hadana waxaa la filayaa inay ka hadlaan wadashaqeynta goleyaasha Shari dejinta iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ayaa horay uga dhacay Magalada Muqdisho,waxaana shirkaas oo sanadkiiba mar la qabto sidoo kale filayaa in uu ka qabsoomo dhamaan Xarumaha Maamul goboleedyada.