Dowladda Ammaro duldhigtay Masaajidda

Wararka Maanta

Wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa amarro lagu dul dhigay masaajidda  si looga hortago cudurka COVID-19.

Wasaaradda ayaa fartay culumada masaajidda inay badiyaan Alle bariga, quraan akhriska iyo in dhamaan masaajidda lagu qunuudo shanta salaadood.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay qofkii isaga shakiya Coronavirus in uusan tagin masaajidda haddii uu tagana ay noqonaysa xaaraan, waxaana dadka nugul ee qaba cudurada daaha la faray inay guryahooda ku dukadaan.

Dadka haya masuuliyadda masaajidda waxaa iyagana loo jeediyay inay si joogta ah uga shaqeeyaan nadaafadda masaajidda islamarkaana dadka ay guryahooda ka soo weysa qaataan.