Dowlada oo ciidamo Kumaandoos ah ku kordhisay kuwii horay u joogay Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamo Kumaandoos ah ay dowladda Soomaaliya ka dejisay magaaladaas, kuwaasoo diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan Kumaandooska ayaa gaaraya lixdameeyo askari, waana ciidamo si gaar ah u tababaran, kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Kumaandooska ay hordhac u yihiin Wafdi ka socda Xukuumadda oo ku wajahan Dhuusamareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’iisul Wasaaraha uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, waxaana socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta magaalada.

Khilaafka siyaasadeed ee ay gashay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wehliyay dhaq dhaqaaqyo ciidan, kaddib markii magaalada ay soo buuxiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna, halka horay magaalada u joogeen Ciidanka dowladda Federaalka.

Xaalada ka jirta magaalada Dhuusamareeb ayaa laga cabsi qabaa inay isku rogto mid dagaal, marka loo eego dhaq dhaqaaqyad labada dhinac, waxaana maalin ka hor magaalada ka dhacay kulamo kala duwan oo lagu kala taageerayo Guddiyada Farsamo ee doorashooyinka Galmudug ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.