Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo Waqti lagu daray

Wararka Maanta

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa muddo saddex maalin ah ku darray wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha Jubbaland aan horrey isku diiwaan galinin.

Wakhtiga isdiiwaan galinta ayaa ka bilaaban doona 17 August 2019 kuna eg 19 August 2019. Waxaana doorashada Madaxweynaha la qabanayaa 22 bishan August 2019.

Qaramada Midoobay ayaa hore uga dalbatay madaxweyne Axmed Madoobe iyo guddiga in fursad laasiiyo musharixiinta Axmed Madoobe kasop horjeeda.

Inkastoo Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta Mucaaradka, hadana Shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan.