Sarkaal ka tirsan ilaalada C/wali Gaas oo Galkacyo lagu dilay

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga magaalada Galkacyo dhinaca Puntland waxa ay ku toogteen sarkaal sare oo ka tisranaa Ciidamada Puntland, sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ilaalada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Cabdiraxman “Gaandi”, Ragga hubeysan ayaa la sheegay in dhowr Xabadood ay sarkaalka ku dhufteen islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Puntland,waxaana jiro howlgal saakay lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka sarkaalka.

Waqooyiga Galkacyo ayaa inta badan lagu beegsadaa dadka u shaqeeya maamulka Puntland arintaas oo khatar ku ah Galkacyo.