Doorashada Koofur Galbeed oo dib loo dhigay

Wararka Maanta

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo waxa ay ugaga hadleen doorashadii lagu waday inay ka dhacdo magaalada Baydhabo 17ka bishan.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in 20 Xubnood oo ka joogta Guddiga ay 15 ka mid ah isla garteen in doorashada dib loo dhigo muddo labo todobaad ah.

17 Bishaan ayay go’aamiyeen in la soo dhameystiri doono Xubmihii Guddiga doorashada ee is casilay,sidoo kalena doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto 28 Bishaan November.

Khilaaf badan ayaa ka jira doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana waxgaradka maamulka Koonfur Galbeed ay ka muujiyeen walaac badan.