Doodii Xildhibaanada ee Kiiska Qalbi Dhagax oo soo dhamaatay iyo Guddi loo saaray

Wararka Maanta

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go’aanka Golaha Wasiirada gaareen 6-dii bishan, iyagoo qaarkood ku taageeray.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.