Diyaarado duqeeyey Saldhig Alshabaab ku leeyihiin Duleedka Janaale

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno deegaanka Waaya arag oo 7-KM u jira Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose halkaasi waxaa xalay ka dhacday Duqeyn diyaaradeed.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Najax, ayaa xaqiijiyay diyaarado dagaal inay duqeeyeen deegaankaasi, waxaana uu sheegay in la beegsaday Saldhig Al Shabaab halkaasi ay ku lahaayen.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha duqeyntaasi inaysan macluumaad ka haynin Khasaaraha rasmiga ah ee Al Shabaab ka soo gaaray, isaga oo intaasi raaciyay hadalkiisa inay hubaan Shabaab in meesha duqeynta ay ka dhacday inay ku sugnaayeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in ilaa iyo hada aanan la ogeyn dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeyntaasi ka fuliyay Gobolka Shabellaha hoose.

Xoogaga Shabaab ayaanan weli ka hadlin duqeyntaasi xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaanka Waaya arag ee Gobolkaasi Shabellaha hoose.