Diyaarad siday Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug oo la celiyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Diyaarad siday gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo xildhibaano la socday ayaa dib loogu celiyey Muqdisho kadib markii ay kasoo kacday garoonka doyaaradaha Aadan Cadde.

Diyaaradan ayaa waaxda duulista Hawada Soomaaliya ku amartay in ay dib ugu soo laabato Muqdisho, amar lagu celiyey diyaaradan ayaa la sheegay inuu kasoo baxay dowlada Federaalka ah.

Maamulka garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa sheegay in aysan shaqo ku laheyn dib u celinta diyaaradan.

Wafdigan la celiyey ayaa laga sugayey magaalada Cadaado, waxaana sidoo kale la qorsheynayey in musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ay saacadaha socda soo gaaraan Cadaado.

Dhanka kale Barlamaanka Galmudug ay la filayaan in labada maalmood soo socda doortaan Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale ilo xog-ogaal ayaa inoo xaqiijiyey in musharixiinta isdiiwaangalisay ay gaarayaan ilaa 5 mushara.

Fg. Goordhow fillo magacyada Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.