Muqdisho:Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo Tarabuunka ku Dagaalamay

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal.

Ciidankaan oo hab beeleed u abaabulan, ayaa kala difaacanaayay dhul ku yaalo nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, waxaana la sheegay ciidamadan inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga.

Wararka ayaa sheegaya in goobta dagaalka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya, kuwaasi oo isku dayay inay kala dhex galaan ciidanka dagaalamay, balse waa ay kala celin waayeen.

Ciidamadan dagaalamay oo reerahooda ay dagan yihiin guryaha jiindagaha ah ee ku yaala aagga Isgoyska Tarabuunka, ayaa muranka dhulkooda soo bilowday khamiistii, balse shalay ayuu aad u xoogeystay, iyadoo maantana uu sababay dagaal arintaasi ka dhalatay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ciidamada dagaalamay ay iswaydaarsanayeen, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.