Dhageyso:- Dad Sumeysan Oo La Gaarsiiyey Balan-bale

Wararka Maanta

Magaalada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Maanta Todobankii barqanimo Ayaa Waxaa La Keenay Dad Subeysan Sida Ay Inoo Sheegeen Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Balan-bale.

Dadkaan Ayaa Waxaa La Sheegay In Ay Kusoo Sumoobeyn isla-markaana laga Keenay xadka Gobolka gal-gaduud Uu La Wadaago Itoobiya Gaar ahaana Deegaan Lagu Magacaabo Araare.

Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Saalax cabdulle Aaden Oo la Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Sheegay in hadda ay wanaagsan tahay Xaaladda Caafimaad ee Dadkan Sumoobay Waxa Uuna Sheegay In Ay Kasoo Jeedeen Hal Qoys Oo kaliya.

Sidoo kale Saalax ayaa Waxa Uu Xusay In Dadka Ay Ka Kooban Yihiin illaa 7-ruux Isla-markaana Ay Jiraan Dad Kale Oo Loo Qaaday Dhinaca Degmada Guriceel Ee Gobolka Gal-gaduud.

Ugu Dambeyn Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay in Ay Dadkaan Ay Sababsadeen Hilib Geel Oo Ay Cuneyn Balse Madaxa Arrimaha Bulshada Balan-bale Ma Bixin Faah-Faahin Intaasi ka badan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Arrimaha Bulshada Balan-bale Saalax cabdulle Aadan:-