Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Mooshin ay ilaa 50 xildhibaan oo kamid ah Barlamaanka Galmudug ay ka keeneey, iyagoo soo jeediyey in xilka laga xayuubiyo.
Guuleed oo arintan ka hadlayay ayaa sheegay in aysan munaasib aheyn in xiligaan Mooshin laga keeno Madaxda Maamulka, Madaama xaalad adag lagu jiro, ayna habooneyn in ay is qabqabsadaan hey’adaha maamulka Galmudug.
Waa markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ka hadlo mooshin ay shalay ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, Xildhibaanada ayaa dhankooda ku doodaya in Madaxda Sare ee Galmudug aysan waxba ka qaban howlihii loo igmaday.
Magaalada Cadaado ayaa shalay iyo maanta laga dareemayaa xiisad siyaasadeed, waxaana xildhibaanada Mooshinka wada dageen xarun gaar halkaas oo ay ku waardiyeynayaan ciidanka Booliska, waxa ayna ku jiraan shirar aan joogsi laheyn, waxaana suurtagal ah in go’aan ka soo baxo saacadaha soo socda.