Senatorada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka doodayaan Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 iyadoo hore Baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixiyeen miisaaniyada.
Miisaaniyadda ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka horaantii bishan December ayaa waxaa ay gaareysaa 274 malyan oo dollar.
Hase yeeshee ansixinta miisaaniyada ayaa waqti ku qaadatay xildhibaanada baarlamaanka balse lama oga inta ay ku qaadan doonto senatorada Aqalka Sare iyadoo kulankooduna ku soo beegmay maalintii u dambeysay ee sanadka 2017.
Miisaaniyada ay ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa soo dhoweeyay Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqaha bixiya.
Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ayaa kulankoodii 5tii November ay ansixiyeen qodob lagu daray xeer hoosaadkooda oo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda oo markii hore ko koobneyd golaha shacabka.