Deg deg:Xildhibaanada Ahlusunna ayaa ansixiyay gudigii farsamada Galmudug ee Shiikh Shaakir magacaabay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaanada Ahlu Sunna ayaa ansixiyey Guddigii Farsamada Galmudug ee uu magacaabay Sheekh Shaakir.

Tirsiga Xubnaha Soo Xaadiray kalfadhiga Baarlamaanka ayaa ah 111 xildhibaan.

110 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku Dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan .

Sh Shaakir Ayaa u mahad celiyay Xubnahan Baarlamaanka Galmudug ee Taabacsan Ahlusunna waxaana uu Tilmaamey in ay Ka soo Bexeen Shaqo Culus oo looga Fadhiyay.

Magaalada dhuusamareeb ee caasimada galmudug ayaa ku jirta maalmihii lasoo dhaafay  xaalad siyaasadeed oo aas cakiran waxaana magaalada kuwada sugan laba gudi farsamo oo ay kala magaceebeen ahlusuna waljamaaca iyi wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka.