Dawladda Imaraadka Carabta ayaa maanta qaaday qaar kamid ah dadkii kudhwacmay qaraxii soobe

Wararka Maanta

 

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa maanta qaaday qaar kamid ah Dadkii kudhwacmay Qaraxii Soobe kadhacay 14kii bishan kaasi oo ay dad badan kudhinteen kuwa kalena ay kudhawacmeen.

Diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay  Dowladda Imaraadka ayaa lagu qaaday Dadkaan oo Dhhawacyo  kala duwan ay ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho ka dhacay dhawaan.

Masuliyin katirsan Safaaradda iyo Bisha Cas ee Imaraadka Carabta ayaa garoonka Aadan Cade kusii sagootiyay dhawacyada iyadoo qof walbina ay la socdeen mid kamid ah Ehelkiisa.

Wasarada Cafimaadka ee Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa uuga mahadcelisay Dowladda Imaraadka gurmadka ay u sameyeen Dadka soomaaliyeed eek u wax yeeloobay Qarixii Soobe, iyo Garab isataga ay u muujiyeen Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya xiligaan adag.

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa Maamlmo ka hor soo gaarsiiyay  Magalada Muqdisho Diyaarad Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad isugu jirta oo loogu talagalay Cawinta iyo Daaweynta dadkii ku dhaacmay Qaxrii Soobe.

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa kamid ah Wadamada soomaaliya usoo gurmaday Markii uu dhacay Musiibadii Qaran ee dadka badan kudhinteen. Dowladda Imaaraadku waxa ay ballan qaaday in ay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ku daaweyso 100 kamid ah Dhacwacyadii Qarxii Soobe, iyo in ay Daryeel u fidiyaan muddo lix bil ah 300 oo Qoys oo ka mid ah Agoontii Qaraxa muddo lix bilood ah.

Waxaa kale oo jira kudhawaad 30 kale oo dhawacyo ah oo lagu dabiibayo isbitaalka sheq Zaayid ee  imaraadka uu kuleeyahay magaalada muqdisho kuwaasi oo maalmaha soo socda lafilayo in cafimaad dibada ah ay uqaado dawladda imaraadka.