Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo Si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada Kenya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, booqashadan oo saddex cisho ah ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliya Marwada kowaad dalka iyo Wasiiro.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa Maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Farmaajo Qasriga Madaxtooyada, waxaana uu Madaxweyne Maxamed salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona ganacsiga, qaxootiga, dal ku galka(Visa), iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku qabaan duulimaadyada sii mara wajeer. Mr. Farmaajo ayaa kenya uga qeyb galaya shirka urur goboleedka IGAD.

Waa safarkii labaad ee Maxamed Cabdullaahi Madaxweynaha Soomaaliya ku tago dib kadib doorashadiisa 8 Feberaayo 2017.

farmaajo kenya Farmaajo kenya1 Farmaajo kenya2 Farmaajo kenya3 Farmaajo kenya 4 17362588_1617697658258781_457237118360132337_n17309757_1617697774925436_4886289836293831020_nFarmaajo kenya 5Farmaajo kenya617309800_1617697648258782_3355078691647371068_n