Dagaal ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi Duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab  ayaa ku Dagaalamay deegaanka Xaawo Cabdi duleedka magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya , dagaalka ayaa ahaa mid aad u xooggan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. dagaalka ayaa bilowday kaddib markii dagaalmayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku sugnaayeen deegaanka Xaawo Cabdi.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegaya in dagaalka uu socday muddo ku dhow nusa saac, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay iskula baxeen banaanka deegaanka. Gurmad ciidan ayaa u tagay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo laabanayay qaraxyada miino ee lala eeganayay gaadiidka ciidamada iyo weerarada tooska ah ee Al-Shabaab ku qaadaan.