Dagaal ka dhacay Camaara

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka Aroortii Alshabaab ku qaadeen magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax gaari ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidamada Dowladda, waxaana kadib xigay dagaal culus.

Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay kalabeyrka oo ah isgoys muhiim oo isku xira Camaara, Bacaadweyne iyo Sirgo.

Waxaana goobjoogayaal ku sugan Magaalada Camaara inoo xaqiijiyeen in Alshabaab si buuxda ula wareegeen magaalada. Waxa ayna Alshabaab gudaha magaalada Camaara kusoo bandhigeen ilaa 6 gawaari dagaal oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalka.

Tiro saxan ilaa hadda lagama hayo khasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac.