Dacwada Kiiskii Caaisho Ilyaas oo ka bilaabatay Garoowe

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Fagaaraha Jaamacadda Bariga Afrika ee ku taalla Magaalada Garoowe, ayaa maanta Maxkamadda Puntland waxa ay horkeentay 10 Eedeeysane oo loo heysto Kufsigii iyo dilkii ay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo Caaisho Ilyaas Aadan.

Goobta ay dacwada ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugna qeybaha kala duwan ee bulshada,waxaana 10 Ruux ee la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ah dilkii iyo Kufsigii ay u geysteen AUN Caaisho Ilyaas Aadan.

Dhinaca kale Markii ay bilaabatay Maxkamadda,isla markaana ay Xeer ilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10 Ruux,ayaa Qareenadii difaacayay Eedyesanayaasha waxa ay codsadeen in la siiyo waqti ay ku soo diyaariyaan Difaacooda Cadeeymaha.

Xeer ilaalinta ayaa dacwada u kala qeybisay laba qeyb,

  1. Saddex eedeysane ayaa la helay cadeymo tilmaamaya in ay falka kufsiga ay si toos ah ugu lug lahaayeen, kadib baaritaan lagu sameeyey dhecaan laga qaaday Marxuumadda.
  2. Todobada kale ayaa lagu tuhmayaa in ay falka qeyb ka ahaayeen.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in dib loo dhigay Kiiska,isla markaana maalinta Sabtiga ah dib loo furi doono dhageysiga dacwada dadka loo heysto dilkii iyo Kufsigii Caaisho. waxaana laga sugayaa qareenada difaacaya eedeysanayaasha in ay la yimaadaan cadeymo.

Ilyaas Aadan oo ah aabaha dhalay caaisho ayaa ku sugnaa Goobta lagu Maxkamadeynta Ragga loo heysto Kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas, Kiiskan ayaa ah mid aad looga dhursugayo halka uu ku dhamaado. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhawaan sheegay in kiiska Caaisho lagu fulin doono goob fagaare ah.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Dacwada Kiiskan