Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya ee ku yaalla inta u dhexeeysa degmada Mandheera iyo deegaanka Carabiya,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan..
Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga Kenya,hayeeshee markii ay dib uga baxeen.
War qoraal ah oo lagu qoray baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya.
Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidankooda ee ku yaalla inta u dhexeeysa degmada Mandheera iyo deegaanka Carabiya.
Xigasho : Dalsan Radio