Qarax Miino oo lagu qabtay Magaalada Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka qeybta Galmudug ayaa saaka furfuray qarax la dhigay irridda guri uu dagan yahay xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Guriga qarax la hordhigay ayaa ku yaala xaafadda Waaberi magaalada Cadaado, waxaana xildhibaanka guriga daganaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ku magac dheer Gurey Geesey.

Qaraxaan ayaa loo malaynayaa in xalay la dhigay ayaa saaka arkeen dadka xaafadu, waxayna ku wargaliyeen ciidamada NISA, oo ku guuleystay inay furfuraan.

Taliska NISA Galmudug ayaa la filayaa in ay goordhow saxaafadda usoo bandhigaan qaraxaan iyo xogta ku saabsan falkaan. Todobaadkaan ayaa ciidamadu qabteen gaari caasi ah oo siday Walxaha Qarxa.