Faafaahin dagaal galabta ka dhacay deegaanka Cadaleey gobolka Mudug

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Screenshot_2017-02-14-18-46-08-1

Waxaa maanta abaara 10:30 barqanimo ciidamada huwantu ka dhaqaaqeen magaalada Camaara, iyagoo u baxay laba wado oo kala aada Caad iyo Ceelhuur.

Alshabaab ayaa iyaguna gooyey labada wado oo ay ciidanku ku baxeen, waxaana dhacday in maanta duhurkii kadib ciidankii aaday dhanka Caad ay dib ugu laabteen magaalada Camaara, halka ciidankii ku baxay dhanka Ceelhuur ay horey u sii socdeen.

Ciidamo sahan ah ayaa galabta dagaal ku qabsaday deegaanka Cadaleey oo qiyaastii 20 km u jirta Camaara, waxaa dhabagal ku sameeyey ciidamo ka tirsan Alshabaab, deegaanka Cadaleey ayaa ah meel howd ah waxaana marta wadada isku xirta Camaara iyo Ceelhuur.

Dagaalka halkaas ka dhacay oo socday muddo hal saac ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ciidankii Galmudug casir gaabkii dib ugu soo laabteen Camaara.

Khasaaraha ayaa inta la xaqiijiyey waxaa dhanka Galmudug kaga dhintay 1 askari iyo dhaawaca 5 kale, dhanka Alshabaab faafaahin lagama hayo khasaaraha gaaray, waxaana caawa ciidamada isgarabsanaya kusoo aruureen fariisinkii ay saaka ka duuleen ee duleedka Magaalada Camaara.

Lama oga ujeedada dib u laabashada ciidamada huwanta, waxaa horey dhowr jeer u dhacday in ciidanka Galmudug ay dib ugu laabteen goobahay kasoo duuleen.

Dadka deegaanka oo ay abaar ba’an heyso ayaa dagaalkan u arka mashruuc lacag lagu raadsanayo, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in maraykanku maalgalinayo howlgalkan, lamana oga ujeedada howlgalkan.