Mid ka mid ah Ergadii Cadaado oo Muqdisho lagu dilay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Niman Bistoolado ku hubeysan ayaa caawa  xaafadda Xamar Bile ku dileen mid kamid ah ergadii xildhibaannada golaha shacabka kusoo doortay degmada Cadaado xarunta Galmudug.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayey Axmed C/qaadir Xuseen(Madaxey), wuxuuna kasoo baxay sida la sheegay garaash ku yaalla xaafadda Xamar Bile degmada Warta Nabadda, iyadoo raggii dilkaasi ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda oo halkaasi gaaray ayaa wada howlgal ay ku  baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyay.

Maamulka degmada Warta Nabadda iyo saraakiisha amniga weli wax faah faahin ah kama aanay  bixin dilka dhacay iyo howlgalka socda.

Saakay ayeey ahayd markii rag ku hubeysan bistoolado ay degmada Waaberi ku dileen mid kamid ah ergadii magaalada Jowhar kusoo doortay xildhibaannada golaha shacabka.