Axmed Shide oo loo magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga ismaamulka Soomaalida

Wararka Maanta

Xisbiga haya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa ku doortay Guddoomiye cusub. Kulanka xisbiga ayaa ka dacay magaalada Addis Ababa, waxaana xubnuhu doorteen Axmed Shide oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Itoobiya oo hoggaamin doona Xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ESPDP.

Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa idaacadda VOA u sheegtay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada haynayaa ay tahay ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga oo dhici doona dhowaan.

Magacaabista Axmed Shide ayaa waxa ay soo afjaraysaa saameynta uu ku leeyahay siyaasada dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo hore loogaga qaaday xilka Madaxweynaha balse ku adkeysanayay inuu sii ahaado hogaamiyaha xisbiga talada haya.

Xaalada magaalooyinka waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa degen tan iyo markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar waxaana rabshado ka dhacay magaalooyinka Jigjig iyo Diridhabe ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.