Daafaca kooxda Arsenal Gabriel Paulista Oo Garoomada Ka Maqnaanaayo Ilaa Siddeed Toddobaad

Ciyaaraha

download

Daafaca kooxda Arsenal Gabriel Paulista ayaa garoomada ka maqnaanayo muddo lix ilaa sideed isbuuc ka dib dhaawac canqowga kasoo gaaray.

25-sano jirkaan ayaa bareelo looga saaray intii ay socotay kulankii axada, iyadoo tababare Arsene Wenger ka dib xaqiijiyay in uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa haatan  garoomada ka maqnaanayo muddo ilaa laba bilood aj, isagoo Arsenal ka maqnaanaayo  furitaanka Premier League kulanka Liverpool .

Per Mertesacker ayaa la filayaa inuusan ciyaarin  ilaa sanadka soo socda sababo la xiriira dhaawac uu qabo, halka Laurent Koscielny  kaliya uu ku soo laabtay tababarka isniintii ka dib markii nasasho dheer uu qaatay maadaama uu ka soo qeyb galay Euro 2016.

Calum Chambers iyo saxiixa cusub Rob Holding ayaa haatan  daafaca dhexe u badan tahay Arsenal in ay ciyaaraan Emirates Stadium Isbuucaan.

Gunners ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inay lasoo wareegto daafaca Valencia ee Shkodran Mustafi, inkastoo, kooxda ka dhisan Waqooyiga London la fahamsan yahay inay dalab £ 30m ah ka gudbisay difaaca heerka caalami ee dalka Germany.

Comments are closed.