Daacish oo sheegatay Qaraxii Boosaaso

Wararka Maanta

Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay bar Kontorool oo ku taala bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

War kooban oo qoraal ah oo ka soo baxay Kooxdaasi ayay ku sheegeen in weerarka uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Ururka Daacish islamarkaana lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada amaanka ee kontoroolka ku sugnaa sida ay sheegeen.

IMG_20170524_031751

Dhanka kale Puntland oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in dhimashadu ay tahay  5 Qof oo 4 shacab tahay, 1 Askari iyo Ninki Ismiidaamiyay, Waxeyna tirada guud isku noqonaysaa 5 Ruux.