SHAQO L’AAN MISE SHAQO ABUURASHO LA’AAN
Sida aan u badannahay waxaan ka sheegannaa, Dalka ku eedaynaa inuu yahay Shaqo la.aan, markaad joogto Soomaaliya waa caadi inaad maqashaa “waxaan ahay shaqo la’aan Dalkuna Shaqo malahan”, majirto Cilmi baaris cadaynaysa run ahaan shiyaha iyo waxa kajira eedaas Dalka loo soo jeedinayo, ee waxay ku timid Fikiradda Dhawr qof oo laysku daray lagana yaabo inaysan Dadaalba bixin Dadkaas shaqo ku timaaddo, suurto galmaahan meel Nololika jiri karto in shaqo ka jiri wayso, meel Bulsho ku noo shahay Shaqano way ku noo shahay waayo waxay leeyhiin saamigal toos ah Dadka iyo shaqaddu. Shaqooyinku ma badna waa sax, waxay taas ku dhacday Dadkii abuurilahaa Ayaan u istaagin.
Majirto wax ay noo abuureen Aabayaasheen kama waramayo siday ku timid in ay san noo abuurin mana ahan inaan eed u haysto abayaasheen, Alle ha’uraxmaddo, waxa aan doonayaa waxay tahay inaan muujiyo Dadaalka nalaaka rabo xaddigga uu la’egyahay. Waxaa nalaaka doonayaa Dadaal ka badan midka laga doonayo Dhalinyaradda Dunidda inteedda kale, inaan anagu abuurano wax walba ayaa nalaaka doonayaa, sida inaan abuuranno Talo guud, isku xirnaan, iyo wadda shaqayn iskaashi, iyo inaanan kala qod-qodnaan midoowno. Dhalinyaradda Shiinaha waxay leeyhiin oo loo sameeyay 132 hay’adood oo horumarisa Danahooda kaliya, halkaas waxaa ka muuqdda muhiimadda ay dhalinyaraddu leedahay, Dhalinyarro waxaad tihiin muhim ee ogaadda.
Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxaan iskugu jirnaa Sedexnuuc hab-feker, (1) Dhalinyaradda Soomaaliya 60% ka mid ah mafekeraan diyaarna uma ahan inay wax bilaabaan isna hawlaan si ay u gaaran guushooda ayakoo ka qayb qaadanaya waxsoo saarka Dalka, iyo kobcinta Dhaqaalaha, (2) Dhalinyaradda Soomaaliyeed 35% kamid ah waxay calaamaysteen meel aan laga bilaabin wax, tusaale waxay Diidaan inay aqbalaan marista waddadda dheer ee tagta Guusha saxdaa, waxay rabaan inay yeeshaan Hanti tirobadan ayakoo Da’a aad uyar meel hoosana aan ka soo bilaabin, waxaad arkaysaa Dhalinyarro fara ku tiris ah oo Magaaladda joogay 10sano wax ku siman lehna hanti gaaraysa 5M oo Doolar saxna maahan waliba waxay u baahan yihiin in lugu maxkamadeeyo arinkaas aan “is-waa faqikarin”. (3) Dhalinyaradda Soomaaliyeed 5% ka mid ihina waxay aqbaleen inay wax bilaabaan kana bilaabaan meesha saxdaa, huraanna waqtiga guushu u baahantahay, bixiyaanna Fikirkii loobaahnaa, meel hoose ayay ka bilaabeen waxayna dhiimiyaan maskaxdooda, dulqaad ayay bixiyaan, labada qaybood oo aan horay u soo sheegay waxay wadda fiirinayaan 5% taan oo aan shaqo ka wadda raadinaynaa.
Qormadaan waxaa igu dhaliyay dhacdo aan arkay Aan idiin guda galo yaanan waxba war idinku daaline.
Iskuul ka mida Iskuulada magaalada Muqisho, oo aan lamacaamilo ayaa waxaa ka tagay Maamulihii, Ka tegista Maamuluhu waxaa dhaliyay arimo laxiira dhanka dhaqaalaha, wuxuu ahaa nin curis leh.
Waxaan udhabagalay arinta si hoose waxaan ogaaday mushaarku inuu aad u badnaa uu sanna yarayn wuxuu gaarayay ilaa iyo Kun doolar, Waa lacag aad u badan misena waa loo ogol yahahay.
Waxa aan u socdaa waxa ay tahay, Shaqo la’aan majirtee shaqo abuurasho la’aan ayaa jirta arinkii ahaa meeshaan waxaa taalla shaqo qof lugu baryayo sidoo kale uu diidan yahay si uu u bilaawdo mid asagga u gaar ah ee uu leeyahay, waxaan ogaa day in ay jirto shaqo abuurasho la’aan ee aanay jirin shaqo la’aan sidda iiga muuqtay walaalkaas Soomaaliyeed, wuxuu ahaa shaqsi daddaal badan lehna hal abuur suuban, hadaad leedahay waxqabad fiican Dadka shaqo kama waynaysid, Ninkaan waxaa labartay shaqo wanaagiisa aan ogolaanno inaan Dadka isbarno una soo ban dhigno waxa aan nahay mushaar horay hala iiga bilaabo ayadoon lay aqoon waa caqabd kale ee Bulshadda ku hor gudboon ogaadda.
Sida aan u badan nahay waxaan rabnaa inaanan fikirin oo aan naan waxba bilaabin,Taasbedel keeda waxaan wadda jaleecnaa, gaad gaadaynaa, oo aan isku qabsannaa shaqo ay bilaabeen 5% naga mida.
Mar haddii meheraddu tahay Iskuul asii Mushaarku gaarayo Kun-doolar, waxaan filayaa Dalku sida loogu eedaynayo shaqo la’aanta wuu ka roon yahee, Waxaa yar Dadka waxgala oo hal-abuurka u diyaarsan iyo is-hawlidda, aan idin xusuusiyo haddaka hor markii laxiray Shirkaddii wayneed ee Al-barakaad Maalqabeen ka wayn ee Soomaaliyeed Axmad Nuur jimcaale, wuxuu wacad ku maray in haddii Alle caafumaadka u daayo inuu abuuri doono Ganacsigii uu Soomaalidda u hayay, samaynna doono lacagta laga xayiray lacag ka badan Allane wuu ufududeeyay, Dalka gudihiisa ayuu ka sameeyay Ganacsigaas gudihiisa ayuuna ka bilaabay, waan wadda ognahay halka uu ka bilaabay Ganacsadahaas Soomaaliyeed hal-qol ayuuka bilaabay iyo Raadiye/Taar, wuxuu aqbalay marista wadda dheer ee tagta Guusha.
Waxaan ku talin lahaa in Dalka ee daynta aan runta ku salays nayn laga daayo, madiidani Duruufo way jiraan laakiin sida loo buun buuninayo maahan waa wax ladhaafi karo u baahan dulqaad iyo in layska kaa shado hadaan sidaas layeelin tan soo socota ayaa ka daran, Dal walba Dadkiisa ayaa dhissa, Dalal ka loo ordayana way soo dul qaateen Dad koodaana dhisay, Dalkaanna aniga, adiga, asaga, ayada, ayaga Ayuu sugayaa hadaan inta cayno ka tagno ama aan ka seexanno yaa u maqan yaan rabnaa inuu noo dhiso?.
Xalku ku ma jiro inta Xeryo Qaxooti galno inaan ka soo cayno Dalkeena, markii nala waydiiyo Dalkiinii ka warama? Waxa u horayda ee aan ku jawaabnaa waxay tahay, “Shaqoka ma jirto, Maahan meel latagikaro ama nololi ka suurta galtahay Bahallaa jooga, luguma tarmo IWLM” waxaa soo dhan waa been Bahalladaas aad sheegayso ayaa kula dhashay cid kuu bedelayso malahan Dhulna asaag kaleedahay ogaaw!. Madiidani in Dunidda wax lala qaybsaddo lana tago Dalal kale Si duruufi keentay, waxaan diidanahay waxay tahay in xaqiiqada laga fogaado taas oo ah in Dalkaagu ku sugayo Xaqna ku gu leeyahay, hadaad laydha Dalkaan inta ku korto aad ka dhuumato markaad xoogyeelato, aragtidayda waxaa luguugu yeeri karaa Danbiile ayadoon maxkamad ku xukumin!!, markaad caay ugu darto intaasna kuma sii jirto, xoogaagu waa hanti Dalku leeyahay.
Dalkaan waa Dal Dadku ay caadaysteen ku tashiga caqli iyo cilmiga shiyeeye, Baryuhu waa iska caadi oo layskuma ceebiyo waxaad maqlaysaa “Beesha caalamku Biil ha’inoo soo raadiso”, dhaqankii Soomaaliyeed ee reebay erayadda Bukaaro, Faanoole iyo IWLM, waa zuulay, Noloshaa shuud lugu wadda saaran yahay, Tuugnimadu waa xariifnimo, wax is daba marintu waxay noo leedahay eraybix leexsan(dhacdhac), kaan xalaasha iyo xaaraanta kala aqoonaa Dadka u guulbadan, fursaddaha boobkaa qabyaalad layskugu faramuuqaa/geeyaa, Dantii guud waa dhimatay, qofna in waa jib Dal lugu leeyahay ma mooddo.
Yaan laquusan:
Majirto shaqo iska bilaaban, Shaqo kasta oo socota waxaa bilaabay geesi nati-hure ah, dhabar adaygna u saaxiib ah, allihiis aaminay Naftiisanna aaminay, aan noqno Dad ilaaheey leh, sidoo kale aan kaal maysanno wixii aan awooddno ee lakaalmaysankaro si waafaqsan Anshaxa suuban, aan iska dayno oo aanka dayno Dalka dhaleecaynta aan u soo jeedinayno, cidnoo bedelaysa malahan, Cidaan ayaddu isbedelin Alle xitaa mabedelo, Beesha caalamka warkeeddaa, markuu qofwalbaa wax soo saaryeesho Dalkaan anagaa barwaaqo sooran ka dhigi karna, nolosha aan shuudka ku wadda saranhay sidaan u badan nahay aan qiimo ku raacno, Dulqaad halamuu jiyo siguusha iyo bar waaqadda loogaaro.
Aanka bilaawno wanaagga sifiican u feker ah inaan anagu wax qabsan karno, qof walbaana ogaado in uu kaalin leeyahay laganasugayo, dhamaanteen waallo nahay, Dalkaan cidnoo dhisaysaa inaysan jirin, Baryuhu inuu ceebyahay, Hagardaamadda inaan lugu guulaysan waqti dheer midkooban mooyee, is laanimadda in laga runsheego Muslin iska jiifa!!.
Gabangabo:
Qormadaan waxaan ugu tala galay inaan ku guubaabiyo Dhalinta Soomaaliyeed qof gaar aha uma socoto u gumana tala gelin, waxaan ugu tala galay in Dhalinyaraddu aqbasho wadda dheer ee halganka ku dhisan sidii loo abaraarilahaa, waxaan rabaa inaan oga hortago meel fadhiga, Biloow la’aanta, Hawl nacaybka iyo Hantiilanimo aan wax sababba lahayn(dhac-dhac)!!, markaan qorayay aadaan u qiiraysnaa yaan la’iiqaban hadaad qiiradaas ku dhex aragtaan qormadayda.
W/Q:
Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaamka”
Address /xamtaax12@gmail.com/00252617171717/facebook/cadecaliyare