Cumar C/rashiid, Faroole iyo Jurile oo ku soo baxay Doorashada Aqalka sare ee Puntland

Wararka Maanta

Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guuleystay kamid noqoashada xubanaha aqalka sare ee dalka kadib marki uu tartan kaga guuleystay Aamina Aadan.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaystay 47 kamid codadkii ay dhiibteen xildhibaanada barlamaanku, halka Aaminana heshay 17 iyadoo hal cod xumaaday.

Kursigii 2-aad oo doorashadiisu hada soo dhamaatay waxaa kusoo baxay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole.

Kuriga 3-aad Ayaa  Waxaa Ku guuleeystay Pro C/risaaq Jurile oo Helay 33 Cod halka Musharax Hodan oo tartan adag lagashay ay heshey 32.

Sidoo kale Kursiga 4-aad ayaa iminka waxaa loo Doortay Farxaan Cali Xuseen kaasi oo helay 36Cod Waxaana uu kaga guuleeystay  Cali ismail Cabdi Giir oo helay 29 cod

Xigasho: Puntland Post