Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, Afhayeenkii ururka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ayaa lagu dilay weerar ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo Kumaandoosta Soomaaliya.
Weerarkan ayaa aroortii shalay Khamiis 13 July ka dhacay deegaanka Kuunyobarow ee u dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Cali Dheere ayaa la sheegay in lala dilay xubno kale oo ka tirsan Alshabaab, wali wax war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya xaqiiqda warkan.
Haddii uu dhaboobo dilka Cali Dheere wuxuu dhabar jab ku noqonayaa ururka Alshabaab.