Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ee ku sugan saldhiga Booliska ay toogasho ku dileen nin hubeysan, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayso dhacdadan.
Ninka la dilay ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa Ilaalada Senatar Ugaas Dhagey oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana xalay saq dhexe lagu toogtay agagaarka Saldhigga Booliska.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Booliska ay ninka hubeysan qabteen ka hor inta aysan toogan xilli saq dhexe ah oo uu marayay agagaarka Saldhigga.
Dadka deegaanka ayaa saaka hadal haya dilka xalay ka dhacay magaalada, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaalada ka jirtay howlgal amniga lagu xoojinayay, maadaama dhowaan lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay ciidamo fara badan ku daabushay magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo sugaya amniga magaalada.