RW Kheyre oo maanta tagaya Bali-doogle

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu filayaa inuu maanta booqasho ku tago Saldhiga Ciidamada xoogga dalku ku leeyihiin garoonka Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mudane Kheyre ayaa la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Bali doogle, Waxaa uuna kala hadli doonaa sidii ay ciidamada halkaasi ku sugan ay qaadi lahaayeen howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan ku jiray diyaargarow guluf ay ku qaadaan ururka Alshabaab oo deegaano badan ka taliya.