Ciidamada Ammaanka oo toogtay Nin Miino ku Aasayey Warta Nabadda (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidanka amniga Booliska dowladda Federaalka ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay ee xaafad ka tirsan degmadaas ku toogtay Nin doonayay inuu miino ku aaso wadada.

Ninka oo watay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay inuu doonayay inuu ku aaso waaxda horseed laanteeda Nationka ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka, hayeeshee Ciidanka ay arkeen, isla markaana durbo toogasho ku dilay.

Guddoomiyaha Warta-nabadda Seynab Xaabsey oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka amniga degmada ay ka hortegeen Ninaas doonayay inuu miino ku waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka amniga ee ka howl gala degmada warta Nabadda gaar ahaan waaxda horseed laanteeda Nationka ayaa caawa abaare 1:15am ku guuleyste in ay ka hortagaan dhagar qabe ka tirsan maleeshiyada alshabaab oo doonaye in uu dhigo miino si uu u waxyeeleeyo shacabka soomaaliyeed” ayey tiri gudoomiso Seynab.

Habeeno kahor ayay aheyd markii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Nin weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku weeraray saldhig degmadaas, isagoo isku dayay inuu baxsado, hayeeshee gacanta lagu dhigay.