Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo 18 bilood ah dalka ka maqnaa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh u saartay wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga, kuwaasoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay. Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo xubno horay xilal […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Labada Madaxweyne ayaa ka […]

Continue Reading

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Cabudwaaq (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi la socday ayaa maanta gaaray Magaalada Cabudwaaq gobolka Galgaduud. Wafdigan ayaa ka yimid Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta Maamulka iyo qeybaha bulshada ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradah Cabudwaaq, waxaana wafdiga loo galbiyey gudaha magaalada. Maxamed Xaashi ayaa la filayaa inuu waqtiyada soo socda kulamo la qaato […]

Continue Reading

Axmed Barre oo loo doortay Gudoomiyaha Garoowe

Golaha deegaanka Magaalada Garowe ayaa u doortay guddoomiyaha cusub ee magaaladaas Axmed Barre ka dib doorasho maanta lagu qabtay Magaalada Garowe. Musharaxiinta kala ah , Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke ayaa ku tartamaayay Duqa Magaalada Garowe. Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , halka […]

Continue Reading

Cadaado: Tababarka Waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo lasoo gabangabeeyey (Sawirro)

Tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo socday muddo afar maalin ah 25-28 August 2018, oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug. Tababarkaan oo loo qabtay […]

Continue Reading

Sawirro: Ciyaartii Galbta Hobyo Vs Cadaado #CiyaarahaGalmudug2018

Garoonka Ciyaaraha Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si habsami leh waxaa uga socda tartanka ciyaaraha degmooyinka Galmudug, sanadkan waxaa la qorsheeyey in ay ka qeybgalaan ilaa 6 degmo oo kala ah Gaalkacyo, Cabudwaaq, Dusmareeb, Hobyo, Cadaado iyo Balanballe. inkastoo ay ka maqan yahay Xulka degmada Dusmareeb Caasimadda Galmudug. Galabta waxaa ka dhacday ciyaar […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo Dusmareeb ku laabtay isagoo Gacmo-maran (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, Wasiirka Maaliyadda Siciid Siyaad Shirwac iyo Masuuliyiin kale. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur Magaalada Dusmareeb kusoo dhaweeyey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Muqdisho Stadium (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay […]

Continue Reading