Cadaado: Tababarka Waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo lasoo gabangabeeyey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga ah ee dastuurka oo socday muddo afar maalin ah 25-28 August 2018, oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug.

Tababarkaan oo loo qabtay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Galmudug iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha Galmudug ayaa ujeedkiisu ahaa in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha Dastuurka ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa soo xiray tababar, waxa uuna kula dardaarmay ka dadkii ka faa’iideystay tababarkan in ay gaarsiiyaan Bulshada Galmudug.