Xaruntii Degmada Hodan oo ku burburtay Qarax lala beegsaday (Sawirro)

Qarax xooggan ayaa maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodan Magaalada Muqdisho, Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey oo uu waday qof naftii halige ah. Burbur xooggan ayaa soo gaaray Inta badan dhismayaashii xarunta degmada Hodan, sidoo kale waxaa burbur soo gaaray dhismayaal u dhow xarunta. inta la xaqiijiyey ilaa […]

Continue Reading

Kalfadhiga 4aad ee Barlamaanka Soomaaliya oo furmaya

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Beri Subax furmi doono kulanka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare). furitaanka kalfadhigan ayaa ka dhici doona xarunta Jeneral Kaahiye 9:00 Subaxnimo. Berri oo ah Isniin, Tr. 10/09/2018, waxaa qabsoomaya Kulanka furitaanka #Kalfadhiga 4aad ee #Baarlamaanka […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo dib ugu laabtay Dusmareeb

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, Madaxweynaha ayaa waxaa imaatinkiisa ku wehliyey wafdigii Galmudug ee ka qeybgalay shirkii Kismaayo ee Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada. Madaxweyne Xaaf ayaa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo Gole Wasiiro Cusub, Waxaana Muuqata in isaga iyo Ahlu sunna isku haystaan xubnaha […]

Continue Reading

Ururka New SYL oo 920 Buug ugu deeqay Maktabadda Cadaado (Sawirro)

Urur ay ku mideysan yihiin 734 dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu magacaabo New SYL ayaa 920 Buug iyo cajalado CDs ugu deeqay Makatabadda Cadaado. Gudoomiyaha iyo xoghaya guud ururkaas ayaa buugaagtaan soo gaarsiiyey Maktabadda Cadaado, iyagoo kasoo qaaday Magaalada Adisababa caasimadda Itoobiya oo fadhi u ah ururkaan. Xoghaya Guud ururkaan Mubaarak Maxamed ayaa buugaagtaan gudoonsiiyey Axmed […]

Continue Reading

RW Kheyre “Dabaysha is badalka ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabo ganacsi u furtay Soomaaliya”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa  maqaal uu ku daabacay Wargayska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray siyaasadda geeska Afrika ,kaas oo uu cinwaan ugu dhigay “ Dabaysha is beddealaysa ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabbo ganacsi u furtay Soomaaliya”. Ra’iisul […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo Darajooyinkii Ciidan ka Xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore NISA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ruqseeyay kana dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan ee hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  EX.Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed kadib soo jeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay […]

Continue Reading

Warmurtiyeed Shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada

WAR-MURTIYEED Kismaayo TAARIIKH- 04-08-September 2018 Shirkii 3aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Ku meelgaarka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismayo ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaman xubnaha hogaamiyeyaasha Golaha- Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaasahna Gudommiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ahna Gudoomiye kuxigeenka […]

Continue Reading

#Dhuusamareeb Dhaqan Yaa ka Raba?

Magaaladaasi dhib badan ayay soo aragtay laga soo billaabo taliskii ciidanka xilligii ay askartii Sarreeye gaas Maxamed Siciid Xersi Morgan inta qof soo dilaan oo meydkiisa magaalada keenaan naadin jireen yaa yaqaan? balse qof walba inkiri jiray si aan isagana loogu darin. Jabhadihii, Dagaaladii qolo-qolada, Maxkamadihii midoobay illaa dagaalkii Alshaab iyo Ahlusunna Waljamaaca. 6 sano […]

Continue Reading