Muqdisho : Qaraxyo Baabuur oo laga digay

Digniino ku aadan weeraro Al-Shabaab ku qaado Garoonka diyaaradaha iyo Labo Hotel oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama ayaa la soo saaray, iyadoo farriimahan la xiriira digniinahan ay soo saareen sirdoono shisheeye oo ku sugan Xerada Xalane. Fariimahan ayaa loo kala dusiyay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya, sida […]

Continue Reading

Wafdi Turki ah oo Beri tagaya Hobyo

Wararka naga soo gaaraya magaala xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in beri ay halkaas tagi doonaan wafdi Turki ah, diyaargarowga sidii loo soo dhaweyn lahaa ayaa laga dareemayaa magaalada. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Oglan Beker, waxaa safarkiisa ku wehliya Saraakiil ciidan, iyo masuuliyiin kale. Ujeedada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay […]

Continue Reading

Qeybtii 1-aad Soomaali ku dhibaneyd gudaha Liibaya oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Qaar kamid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha Wadanka Liibiya ayaa  Maanta laga soo dajiyey  Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Muwadiniintan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof , waxaana dadkaan kamid ah caruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya. […]

Continue Reading

Socdaalkii Madaxwayne Farmaajo ee Puntland oo Markale baaqday.

Safarkii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo ee Puntland ayaa Markale Dib u dhacay Maanta lamana Sheegin Sababta  keentay inuu markale baaqdo Madaxweynahu. Magaalada Garawe ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, kaasi oo lagu wado inuu booqasho ku tago halkaasi maalinta biri ah Wararka laga helayo […]

Continue Reading

Xabbad joojintii Koorfur Suudaan oo ku dhow inay Jabto

Xukuumada Koonfurta Suudaan iyo kooxda mucaaradka ah ee ugu weyn ayaa ku eedeeyay midba midka kale inuu jebinayo heshiiska xabbad joojinta ah oo dhaqangalay habeenkii axada. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa ahaa tallaabadii ugu dambeysay oo xal looga gaari lahaa dagaalka afarta sano socday oo bilaabmay ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne ku […]

Continue Reading

Ilaa intee Sharciga la waafajiyay soo xiristii iyo siideyntii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ?

Marka la fiiriyo sida uu u dhacay kiiska loo heystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, laga bilaabo soo qabashada ilaa go’aanka maxkamadda waxaa muuqanayo gafaf kala gedisan oo dhinaca sharciga ah, hadii alle idmo waxaan qormadan ku iftiimindoonaa gafafka dhinaca sharciga ah ee kiiskaas anigga oo ka eegi doono arintan 4 dhinac oo ah kuwa hoos […]

Continue Reading

C/raxmaan C/Shakuur”Farmaajo iyo Kheyre Maxkamadbaan la korayaa”!

Siyaaasi Cabdi Raxman Cabdi Shakuur oo Saxaafadda Muqdisho Garahaan Gurigga Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay ee Wadajir-party oo uu ka dhacay Weerarka 18 bishaan lagu Xiray laguna Xasuuqay ilaaladiisii ayaa ka hadlay Dhowr Arimood. Ugu horayntii Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Reysalwasaare Kheyre ay biciyeen Amarkii lagu weeraray gurigisa Maxkamadna […]

Continue Reading

Booliska Somaliya oo maanta u dabaaldagaya sano guuradii 74-ad

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa […]

Continue Reading