Socdaalkii Madaxwayne Farmaajo ee Puntland oo Markale baaqday.

Uncategorized Wararka Maanta

Safarkii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo ee Puntland ayaa Markale Dib u dhacay Maanta lamana Sheegin Sababta  keentay inuu markale baaqdo Madaxweynahu.

Magaalada Garawe ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, kaasi oo lagu wado inuu booqasho ku tago halkaasi maalinta biri ah

Wararka laga helayo Magaalada Garawe ayaa sheegaya in masuuliyiinta, Odoyaasha Dhaqanka iyo dadweynaha ku dhaqan halkaasi ay wali ku gudajiraan qabanqabada soo dhoweynta Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, waxaana laga dareemaya gudaha Magaaladaasi diyaargarow aad u sarreeya, waxaa kaloo ka qeyb ah bahda Warbaahinta, iyadoo sidoo kale madaxweynu uu booqan doono deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Wararka laga helayo Magaalada Garawe ayaa sheegaya in ay Magaaladaasi ku sugan yihiin wafdi hordhac ay oo ka qeyb ah Wafdiga Madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdi Farax Juxa oo Xubnahaasi horkayay aa Xilka laga qaaday waxaana la filayaa inuu Wafdiga Madaxweynaha qayb ka noqdo Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha Faderalka iyo Dibu Heshiisiinta Eng Sabriye oo la filayo inuu maantaba Xilka la wareego.

dhinaca kale Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay, taasi oo ka qeyb ah qabanqaabada u diyaargarowga Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo lagu wado inuu Xariga ka jaro Dhismaha Cusub ee Garoonka